Hargeysa (HORMOOD NEWSPAPER) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa goor dhaweyd xilkii ka qaaday Taliyihii ciidamadda Qaranka iyo abaandulihii. Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyadda kaas oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse. Warsaxaafadeedkaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan. MadaxweynahaJSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxauu xilkii ka qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka, kuna magacaabay taliyecusub. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Inbaahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka; Markuu Tixgeliyey: Latashiga Madaxda ay arrintani khusayso; Markuu Arkay: Inuu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday; InGeneral, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale)laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliyaha Ciidanka QarankaJamhuuriyadda Somaliland. Xilka qaadis Madaxweynuhuwaxa uu taliyihii hore ee Ciidamada qaranka Mudane,Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) ugamahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jibaadka, kasaaran qaranka. Madaxweynuhu waxa kale oo uu taliyihii hore u sheegay in XilalkaQaranka ay tahay macnihiisu meerto soo noq-noqata oo kolba cid hanan karta loodhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka TaliyahaCiidanka Qaranka JSL. Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah uguwareejiso xilka aad haysay General,Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu Faray Wasiirka WasaaraddaGaashaandhigga in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Taliyaha CiidankaQaranka JSL. Waxa uu sidoo kale xilkii ka qaaday abaanduulihii hore waxaanu u magacabay mid cusub War-saxaafadeed Madaxweynaha JSL, Mudane, AxmedMaxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaaday AbaandulihiiHore ee Ciidanka Qaranka JSL, kuna magacaabay Abaanduule cusub. Madaxweynuhu:- MarkuuArkay: Qodobka 90aad eeDastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; MarkuuArkay: In baahi loo qabo in ladar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka; MarkuuTixgeliyey: La tashiga Madaxda ayarrintani khusayso; MarkuuArkay: In uu hanan karo xilkanloo magacaabay; Wuxuu go’aansaday; InMudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas)laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abaandulaha Ciidanka QarankaJamhuuriyadda Somaliland. Xilka qaadis Madaxweynuhu waxa uu Abaanduulahaahore ee Ciidamada qaranka Mudane,Ibraahin Caydiid Axmed uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen, gudanayeena waa-jibaadka qaranka. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka AbaanduulahaCiidanka Qaranka JSL. Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah uguwareejiso xilka aad haysay Mudane,Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) oo aanxilkan isaga u igmaday in uu ahaado Abaaduulaha Cusub ee Ciidanka Qaranka. ALLAA MAHD LEH Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
HORMOOD NEWSPAPER
Hormood Newspaper
HORMOOD NEWSPAPER
DHIMBIIL
Error: Twitter did not respond. Please wait a few minutes and refresh this page.
Spam Blocked
about
Blogroll
Home
HORMOOD NEWSPAPER
http://hormood.wordpress.com
News
subscribe
Flickr Photos










More PhotosBlog Stats
- 2,858 hits
HORMOOD NEWSPAPER
- The Big DayMarch 21st, 2013The big day is here.
Goodreads
No data foundTop Rated
