Halkan waxa aan doonayaa in aan soo qaato in yar oo ka mid waxqabadka xukuumada madaxwayne ahmed mohamed mohamoud siilaanyo iyo xisbiga kulmiye ay ku talaabsatay mudo sanad iyo bil uun ah wax yar dheer, waxqabadkaasi oo aan toban sanadood oo ay xukuumadii ka horaysay xukumaysay dalka ay qaban kari wayday mid ka mid ah, lama qariyo waxa wanaagsan ee cidi qabato xukumadii daahir riyaale waxa kaliya ee dadwaynuhu ay ku xasuusan karaan waa sidii wanaagsanayd ee ay talada u wareejiyeen, waliba iyaga oo 26 milyan dollar dayn ah ama qaranku casaan ku jiro talada ka tagay…waxa muhiim ah in qofkasta oo muwaadin ahi qiimeeyo waxyaabaha xukumadiisu u qabatay iyo itaalkeeda dhaqaale iyo awoodeed…markaa halkan waxa aan doorbiday in aan mid iyo laba ka sheego waxyaabahaas oo aanan halkan kusoo koobi karayn.
1-xukuumada somaliland waxa ay ku dhiiratay in ay mushaharka u kordhiso shaqaalaha iyo ciidamada dalka iyada oo aan wax cashuur kor u qaadin oo waliba hoos u dhigtay cashuuro badan markii ay aragtay duruufaha dhaqaale ee dadka reer somaliland, waxa ay labanlaab uga dhigtay mushaharkii shaqaalaha iyo ciidama qaranka somaliland,
2-waxa ay bixisay mushaharka shaqaalaha iyo ciidanka somaliland oo muddo saddex bilood ahaa aan qaadan oo dayn ahaan loogu wareejiyay, xukuumada axmed maxamed maxamuud siilaanyo hogaaminayo waxa lagu wareejiyay 26 milyan oo dollar oo dayn ah, oo ay ka mid tahay mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada qaranka oo aan saddexdii bilood ee xukuumadii udub ugu dambeeyay aan qaadan wax mushahar, waxa ay bixisay daymo badan oo taagnaa.
3-waxa ay badeshay xukumada ka soo jeeda xisbiga kulmiye lacagtii giimbaarta ahayd ee burco oo tobankii sanadood ee ugu dambeeyay ay badali kari wayday xukumadii hore.
4-Waxa ay laashay xukunkii nabadgalyada degdeg ahaa oo qayral dastuuri ahaa umadana ku ahaa gef iyo caga juglayn xaqdaro ah.
5-waxa uu ku dhiiraday in uu furo Madaxwayne Ahmed mohamed mohamoud siilaanyo ururada siyaasadeed oo fursad wayn u ah dhalinyarada iyo dadwaynaha aan ka mid ahayn saddexdii xisbi qaran ee hore u jiray, waxaana taasi horseeday madaxbanaani xoriyada siyaasaded ee muwaadiniintu ugu tartamayaan waxa ay xaqa u leeyihiin.waxaana ay meel inagaga tiirisay murano ahaa in ay muwaadiniintu furtaan ururo siyaasadeed oo ay ka dhigtay in tobankii sanoba mar la furo.
6-Waxa ay dhamaystirtay Biriishka labaad ee hargeysa oo ay talada la wareegtay isaga oo qabyo ah.
7-Waxa ay ku samaysay qorshe loogu hawlgalayo cadaalada iyo garsoorka dalka jamhuuriyada somaliland oo meel wanaagsan maraya hadda.sidii dib u habayn loogu samayn lahaa si loo helo cadaalad.
8-Dayactirka iyo diiwaangalinta gaadiidka dawladda oo heer aan war laga hayn gaadhay.
9-Tayaynta iyo kor u qaadida aqoonta shaqaalaha dawladda oo meel hoose maraysay laguna sameeyay qiimayn iyo dib u habayn inlagu sameeyo lana diwaangaliyo si loo helo tirada shaqaalaha qaranku leeyahay oo rasmi ah.
10-Waxbarashada oo ay raadisay waxii scholarships ahaa ee ay heli karaysay runtiina noqotay markii ugu horaysay ee si rasmi ah loo soo bandhigo in ardayda somaliland u tartamaan scholarship, iyo waliba xadigii ugu badnaa ee arday ah ee scholarship hesha.
11-Xaga aqoonsi raadinta iyo dhaqaalaha waxa ay somaliland ka qayb gashay shirarka caalamiga ah ee golaha amaanka si la mida dawladaha la aqoonsan yahay, waana markii ugu horaysay ee somaliland lagu qaabilo maqaam sare oo dawladnimo waa mid lagu faani karo .
12-Xukuumada somaliland waxa ay ku dedaashay in ay dhiirigaliso beeralayda waxaana ay keentay khubaro beeralayda tusta oo barta sidii loo beeri lahaa bariis ay quutan dadka reer somaliland, markii tijaabadii laga qaadayna uu noqday mid ina anfaca oo aad u tayo fiican.
13-Waxa ay samaysay laba mashruuc oo waawayn oo lagu talaalayo xoolaha somaliland si loo sugo caafimaadkooda.
14-waxa la sameeyay bangiga dhiiga ee cusbitaalka wayn ee caasimada hargeisa.
15-Waxa ay hoos u dhigtay xukuumadu cashuurihii laga qaadi jiray dadwaynaha oo ay hoos u dhigtay qaar ka mid ah.
16-waxa ay samaysay xukuumada madaxwayne siilaanyo labada wado ama runway ee garoomada diyaaradaha hargeisa iyo berbera, waxaana ay dib u furtay garoomada diyaadaha ee burco iyo boorama oo aan hore u shaqayn jirin.
17-Waxa uu madaxwaynaha somaliland si hagar la’aan ugu kuur galay in uu dadka somaliland Gobol iyo degmoba usoo maro si uu ugu xaaladooda nololeed iyo xaalada rasmiga ah,
18- La dagaalanka lunsiga iyo hantida qaranka ayaa ka mid ah waxqabadka.
iyo waxyaabo kale oo badan oo aanan halkan kusoo koobi karaynin horta waa wax la qabtay oo wanaagsan laakiin waxa aan leeyahay kasiibadiya oo dedaalkiina labanlaaba runtii marka dhinac laga eego waa wax wayn oo la qabtay dhinaca kale marka laga eegana xukuumada kulmiye oo dadwaynuhu aad ugu han wayn yihiin in ay wax badan badan qaban doonto waxa la odhan karaa kowba lama joogo.










