Monthly Archives: September 2011

be connected HORMOOD NEWSPAPER

MADAXWAYNE SIILAANYO OO JAWAAB KULUL KA BIXIYAY HADALO KA SOO YEEDHAY SOMALIA, DHIRBAAXO SIYAASADEEDNA KU DHUFTAY HADHAAGII XISBIGII UDUB, FAYSAL CALI WAREEBANA KU YIDHI WAAD FASHILANTAY EE MAXAAD UMADA REER SOMALILAND U SHEEGI,

http://hormood.wordpress.com/feed/              ( HORMOOD NEWSPAPER)Madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane Ahmed Mohamed Mohamoud siilaanyo  ayaa sheegay in aanu u dul qaadan doonin cayda iyo aflagaadada xisbiyada mucaaridka ah ee xaqiiqda ka fog, fariin kululna u diray sheekh shariif, difaacayna ergayga qaramada midoobay ee somaliland/somalia Augistine Mahiga waa kan hadalkiisii ee dhagaysi wacan.

president of the somaliland republic

Continue reading

Dr: Ciise oo Cabashada Dhakhaatiirta ku tilmaamay xaqiiqo jirta Wasiirka Caafimaadkana xaal ka siiyay Aflagaado loo jeediyay

 

“Cabashada Dhakhaatiirtu waxay ka jirtaa Cisbitaalka Hargeysa oo kaliya ee waa in loo gurmadaa”Dr: Ciise

Hargeysa(HORMOOD NEWSPAPER) Dr: Ciise Cabdi Jaamac oo ka mid ahaa Dhakhaatiirta Da’da yare e ka hawlgala Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Cisbitaalka Hargeysa ayaa isagoo daba socda qoraal ay HORMOOD NEWSPAPER  gaadhsiiyeen toddoba iyo Toban Dhakhtar oo ka cabanayay qaabka ay ula dhaqmeen Masuuliyiinta Wasaaradda ugu saraysa ku tilmaamay cabashadoodaas mid jirta oo loo baahan yahay inay Xukuumaddu wax ka qabato, xaal-na ka siiyay wasiirka Caafimaadka hadalo Af-lagaado ah  oo ay dhakhaatiirtaasi ku weerartay wasiirka Caafimaadka

Dr: Ciise isagoo ka hadlaya cabashada Dhakhaatiirta waxa uu yidhi “Cabashada Dhakhaatiirtu way jirtaa, mana aha wixii jira in la qariyo, laakiin waxa qurux badan in marka wax la dhaliilayo si sax ah loo dhaliilo, maaha in cid la aflagaadeeyo, Wasiirka Caafimaadkana waan ka raali galinaya sidii shakhsiyada ahayd ee loo aflagaadeeyey, waxa hubaal ah oo aan la qarin karin in Dhakhtar kasta oo meel ka shaqaynayaa aanu noqon karin bilaa hoy, Cusbitaalka Hargeysana waa cabasho in badan ku soo noq noqotay ilaa haddana lama sixin, taasina waa mid ku kooban Dhakhtarka weyn ee Hargeysa.

Dhakhaatiirtu marka ay u baxaan Gobolada loo qaabilo si aad iyo aad u heer saraysa oo la soo dhaweeyo lana siiyo dhamaan baahiyaha aasaasiga ah, taasina ay ku dhiiri geliso Dhakhtarka inuu shaqadiisa daacad u noqdo waxaana la siiyaa Cuntadiisii oo joogto ah ama Hudheel loogu balamiyo ama qof u diyaariya loo sameeyo iyo Hurdadiisa, waxana Masuuliyadaa qaada Maamulada Gobolada, laakiin Cusbitaalka Dalka ugu weyn oo ay mar kasta hawshiisu joogto tahay, joogaana Dhakhaatiir khibrad leh, waxa ka jirta gol daloolooyin aad u badan, waxa ka mid ah Dhakhaatiirtan Jaamacadaha ka soo baxay oo baryahan Masuuliyadeeda laga war wareego, waxaanan baaq u dirayaa cid kasta oo ay khusayso arintani Cusbitaalkii Hargeysi waxa uu u baahan yahay gurmad deg deg ah in lala soo gaadho, waxa ka shaqeeya Shan iyo Toban Dhakhtar oo Da’ yar ah iyo Toban Dhakhtar oo waaweyn, nasiib darro waxaan jirin Wada shaqayn dhinaca Maamulka iyo Dhakhaatiirtii ah, taas ayaa keentay in cabashadii ay soo noq noqoto”.

Dr. Ciise Cabdi Jaamac oo ka hadlayey dhaliilo Dhakhaatiirtiisa loogu soo jeediyey in aanay si hagar la’aan ah uga hawl gelin Cusbitaalka oo ay ka war wareegaan shaqada ku waajibtay, waxa uu yidhi “Anigu ma qabo, laakiin waxaan Dhakhaatiirta ugu baaqayaa in ay sida ugu fiican shaqadooda u gutaan oo aanay ka war wareegin walaalkood oo gar gaar u baahan, ha ogaadaan inay taasina dambi ku tahay oo ILAAHAY arkayo, maqaaxida ay fadhiistaan ee lagu eedeeyo inay shaqada kaga dhuuntaan way u soo shaah doontaan, maadaama oo aanay Cusbitaalka gudihiisu lahayn meel adeegyada kala duwan laga helo…

WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SOMALILAND OO WARBIXIN IYO GARNAQSI KA JEEDIYAY XARUNTA GOLAHA AMAANKA EE NEWYORK….

          Wasiirka Arimaha Dibada somaliland Dr Mohamed Abdillahi OMer ayaa shalay warbixin dheer oo saacad iyo badh qaadatay ka jeediyay xarunta Golaha amaanka ee New york, Qudbadaasi waxa ay ahayd Garnaqsi iyo warbixin tifaftiran oo uu kaga hadlayo somaliland iyo waxa ay qabsatay ayuu ka akhriyay, kulanka waxa fadhiyay 15 dawladood ee la isku yidhaahdo security council oo ah xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka, waxa kale oo jira in ay kulano kale oo ilaa hada socda uu la leeyahay golaha amaanka iyo dawladaha ka mid ah. hadaladii wasiirkana waxa ka mid ahaa..

     

The Constitutional Mandate of the Ministry. The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation drives its Mandate from Article 10 of the Somaliland Constitution which is: Article 10: Foreign Relations 1. The Republic of Somaliland shall observe all treaties and agreements entered into by the former state of Somalia with foreign countries or corporations provided that these …do not conflict with the interests and concerns of the Republic of Somaliland. 2. The Republic of Somaliland recognises and shall act in conformity with the United Nations Charter and with international law, and shall respect the Universal Declaration of Human Rights 3. The Republic of Somaliland accepts the principles of the self-determination of the nations of the world. 4. It accepts that political disputes which arise shall be settled through dialogue and peaceful means, and shall respect the territorial integrity of other countries. 5. It shall endeavour to replace the long-standing hostility between the countries in the Horn of Africa with better understanding and closer relations. 6. The state of the Republic of Somaliland is an independent republic which has its place among the Arab nations, and the peoples of Africa and the Islamic World, and shall accordingly endeavour to join the United Nations, the Organisation of African Unity, the Arab League and Organisation of Islamic States. 7. The state of the Republic of Somaliland shall oppose terrorism (and similar acts), regardless of the motives for such acts

NATIIJADA IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE DUGSIYADA SARE IYO DUGSIYADA DHEXE OO LA SHAACIYAY

Hargeysa (HORMOOD NEWSPAPER)- Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sarre Oo Shaacisay Imtixaankii Shihaadiga ahaa ee Dugsiyadda Dhaxe iyo Kuwa Sarre Ee Somaliland

Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadda imtixaanka Shahaadiga ahaa ee Fasallada Siddeedaad ee Dugsiyadda Dhaxe, iyo Fasaladda Afraad ee Dugsiyadda Sarre ka dib muddo badan oo wasaaraddu ku mashquul-sanayd sixitaankiisa iyo hubinta wixii caqabado ah ee ka hor iman doona.

Shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta Imtixaanaadka Qaranka oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda, Guddoomiyaha imtixaanaadka , iyada oo ay xarunta horteedana tubnaayeen boqolaal Qof oo ka mid ah ardeyda dhigta dugsiyadda kuwaasi oo iyaga laftooduna naawilayay natiijada imtixaanaadka ee wasaaradda Waxbarashada. Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo natiijada yeedhisay ayaa ku dhawaaqday tobankii Arday ee ugu horreeyay Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sareba iyada oo bogaadisay dedaalka Dheeraadka ah ee ay Muujiyeen.

Tobanka arday ee ugu sarreeya Dugsiyada Dhexe ayaa kala ah:

No. Dugsiga Magaca Ardayda Derajada

  1. Sh. M. Warsame – Sahra Awciise Jaamac Qaalib (558 ), Maroodi-jeex
  2. Geeska Afrika – C/raxmaan Axmed Yuusuf adan (552) – Togdheer
  3. Odey(Sheekh) – Hodon maxamed C/laahi Ciise (543) – Gobolka Saaxil
  4. Sh. Cali Cismaan – Barkhad Mustafe Siciid Xirsi (547) – Maroodi-jeex
  5. Sh. M.Warsame – Mawliid Muxumed Hanfi Liibaan (547) – Maroodi-jeex
  6. Surad – Ismaaciil Axmed Warsmae Maxamed – (547) – Gob. Sanaag
  7. Abyan – C/naasir C/laahi Faarax ibraahim (547) – Gobolka Sool
  8. Nuraadiin Primary – Maryan Maxamuud Maxamed Cigaal (546)- M/Jeex (Private)
  9. Alkheyr – Ubax C/raxmaan Axmed Cabdi (546) – Maroodi-jeex (Private
  10. H.A.A Good – Khaalid Xirsi Maxamed Caddare (546) – Gobolka Awdal

Tobanka Arday ee ugu sarreeyey Dugsiyada Sare ee Dalka

No. Dugsiga Magaca Darajadda

  1. Ileys – Nasra Jaamac c/laahi Bulxan 735 – Maroodi-jeex (Private)
  2. Nuuradiin MustafeMaxamed Awcali Cismaan 718 – Maroodi-jeex (Private)
  3. Ileys Muniira Maxamed Axmed C/laahi 717 – Maroodi-jeex (Private)
  4. 26 June Xamse Carab Cali Xasan 691 – Maroodi-jeex (Public)
  5. 26 June C/naasir C/ramaan Xaashi Caalin 689 – Maroodi-jeex (Public)
  6. Ilays Muna C/laahi Maxamed Axmed 689 – Maroodi-jeex (Private)
  7. Bali- Gubadle Xasan Muuse Cismaan Jaani 686 – Maroodi-jeex (Public)
  8. Ilays Faadumo Maxamed Ismaaciil Cabdi 685 – Maroodi-jeex (Private)
  9. M.A.Cali Maxamed Xuseen Maxamed Faarax 679 – Maroodi-jeex (Public)
  10. Ilays Nimco Saleebaan Cali Kooshi 670 – Maroodi-jeex (Private)

 

KALA SOCO NATIIJADA OO DHAMAYSTIRAN http://hormood.wordpress.com/