Waxa gabi ahaanba dadwaynaha reer somaliland 76% ay sitaan aalada loo yaqaano mobile(telefonka gacanta), runtii waxa uu fudaydiyay nolosha inteeda badan oo aan suurto gasheen hadaan la helin adeega shirkadaha isgaadhsiinta, waxa kale oo soo kordhay in ay noqoto Bank ama qof waliba waxa uu lacag haysto uu ku kaydsado mobilekiisa, iyada oo aanay jirin wax damaanad ah oo uu qofku haystaa hadii ba ay ku timaado cilad farsamo, ama systemka ay ku shaqayso wax ka khaldamaan, waxa kale oo ay keeni kartaa dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay in qofka lagu dillo telefoonka gacanta ee uu sito oo loo tuhunsan yahay in lacagi ugu kaydsan tahay,waxa kale oo iman karta in lagu haligmo sidii mashruucii dadka lagaga lunsaday lacagaha ee loo yaqaanay jiif oo jaq, waxa aanay kaga sii daran tahay tani, hadii ba ay dhacdo in wax khaldamaan ama ay khalkhal uu galo systemka ma jiro cid loo raacayaa, waxa kale oo iyaduna aan meesha ka maqnayn in ay ku lunto cashuur dawli ah oo ku waajibi lahayd dhaqdhaqaaq kasta (transaction) oo la sameeyo ama lacag lagu isticmaalo, waxa kale oo meesha ka baxday in cashkii lacagta somaliland ay qiimo tirto oo uu qof waliba doorbiddo in uu lacagta ku shubto mobilekiisa, waxa ugu sii daran ee meesha yaalaa waxa weeye qofka waxa laga qaadayaa lacag waxaana loogu badalayaa numbers(digits) tiro, tusaale ahaan waxa aad u dhiibtay goobaha adeegan dadka ugu shuba lacag xadigeedu dhan yahay $100 oo kaash ah, waxa tellefoonkaaga gacanta laguugu shubayaa $100 oo tiro ah, waxa aynu ognahay lacagta kaashka ahi waa wax xadidan oo la yaqaan tiradeeda iyo inta la soo saaro, yaa yaqaana inta tiro ee ay samaysan karto shirkada adeegan samaynaysaa waayo ma jiro wax u xadidayaa, waxa dhici karta in tirooyinkaa mobilada lagu shubayo lagula wareego dhamaan waxa lacag dadku haystaan waayo waxa cad in lacagtu xadidan tahay, laakiin tirooyinka computerka lagu shubay ee lagula wareegayo lacagta dadka aanay ahayn waxa dhamaanaya ama xadidan.
Hadaba iswaydiintu waxa ay tahay yaa fulin kara adeegan, yaa ka masuula dadwaynahan lacagtoodii loogu badalay figures la galiyo mobilada, waxa waliba taa ka sii darran, nin ganacsade ah oo awalba dadka ka shaqaysanayaa ma u mamuli doonaa hab dhaqankooda dhaqan dhaqaale iyo nololeed ee ay ku nool yihiin, ma u kaantarooli karaa sarifka lacagta dalka iyo ta qalaad, taa jawaabteedu waa maya waayo ninkani waaba ganacsade waxa uu ka shaqaysanayaa dadkan danyarta ah,agoomaha leh ee dhaqaalehoodu aad u liito, ma jirto waxa naxdin ah ama jixinjix ah oo ganacsatadu ka leedahay dadkooda, kaliya waxa ay yaqaanaan shilinkooda.
Hadaba hadalka aan soo gunaanado e horta shaqadan waxa kaliya ee fulin lahayd waata lacagta mobilada lagu shubanayo eh, waa dawladda oo dadka ka masuula, waxa maamuli lahaa central bank dalka, hadaba waxa meesha kaba baxday roolkii dawladu ku lahayd iyo awoodeedii, waxa waliba kasii daran waxa gacantooda ka baxay habkii maamulka dhaqaalaha iyo lacagta, taasi oo keeni karta in uu si dhib yar inagu qabsan karo ninka lacagta haystaa. Waxa cadaan ah in aanay dalka sharciyad adag oo isgaadhsiini ka jirin, tan iyo markii la aas aasay somaliland , waxa ay la dagaalamaan shirkadaha isgaadhsiintu iyo dhamaan ganacsatadu sharciyada iyaga oo aan rabin in sharci adag oo iyaga kaantaroolayaa dalka ka hirgalo, waxaana ay ka hor dhismeen sharciga oo intii ay jireenba waxa ay ahayd wakhti ay iyagu sharciyada la galaamayaan iyo wakhti ay ka horeeyeen sharciyada.
Waxa aan hadalkayga kusoo gaabinayaa waar dadwaynoow sidi sidi diina mooyee dhul u dhaciina hubsada, dawladuna ha is ogaato in aan wax badani gacanta ugu jirin oo ay taasi halis ku tahay maamulka dawladnimo, waar idinkuna ganacsatooy ALLE ka baqda oo umadiina danyarta ahi ha idiin muuqato inta uu shilinku idiin muuqdo…
By: MOHAMED A JAMA
TELL: 4429221



















