Maalin walba nolosha aadamaha wax baa iska badela oo aduunyadu tadawur iyo hor u mar ayay u sii socotaa, marka aynu eegno xaga technologyada iyo hor u marka cilmiga maadiga ah laga sameeyay,iyada oo ay garab socdaan halistooda iyo hadimooyinkooda oo ah wax aan la isku halayn karin ama bini aadam samee ah, dhawaan dalka japan oo ah wadanka labaad ee dhaqaalaha aduunka ayaa waxa ku dhacay dhul gariir iyo bad gariiir waxa kale oo ku dhacay wixii iyagu ay gacmahooga ku samaysteen oo ahaa beneficial nuclear ama nuclearka looga faaiidaysto warshadaha iyo hor u marka ayaa ku fatahay, kumanyaal ayaa ku sumoobay halka ay boqolaal ku dhinteen, waxaana ay in muddo ah tacaalayeen sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen bakhtiintiisa.
Hadaba maanta waxa aan tan u soo qaatay oo aan u jeclaystay in aan uga hadlo waayaha dalka iyo dadka somaliland oo maraya meel wanaagsan oo nabdoon runtiina itijaaha xukuumadu yahay mid yididiilo nololeed oo wanaagsani ka soo muuqato xaga mustaqbalka dhaw ayaa durba waxa aad arkaysaa cid siyaasiyiin ama axsaab ah oo ku xumee iyo ku jiq sii aynu hore usoo dhaafnay uga
hadlaysa wax aan waxba ahayn dadwaynahana balaayo iyo wax aan ina hayn u saadaalinaya,waxa aan usoo jeedin lahaa dadwaynaha reer somaliland in aanay dhagaysan waxyaabaha noocaas ah oo shaqsiyad dan lihi umadda ugu sheegayo wax khaldan, waxa aan leeyahay nolosha wanaagsan iyo hor u marka umaduhu waxa ay ku gaadheen samir iyo dedaal badan, waxa aad og tihiin in inbadan la ina odhan jiray waxa aynu nahay dal yar oo aan la aqoonsanayn oo awood aynu wax ku qabsano ma lihin.taa badelkeeda ayay xukuumada madaxwayne siilaanyo inagu hogaaminaysaa inaguna dhiiri galinaysaa in aanay cidina waxba inoo qabanayn ee ay dunidu inagu qiimaynayso sida aynu wax u qabsano..taasaana xaqiiiqo ah ee samir ka hala ogaado INA MACAL CUSRI YUSRAN.











waxa wax lala yaabo ahayd qolo sheeganaysay xisbigii udub ee talada lagala wareegay oo dhaliil iyo naqdi ku haysay xukuumada madaxwayne siilaanyo taasi oo aan ahayn mid meesha qabata ama taala wakhti xaadirkan iyaga laftooduna aanay ahaynba shaqsiyaadkii ku munaasibka ahaa in ay wax dhaliilaan maadaama ay billo uun ka sii maqnaayeen iyaga oo aan wax badan tarin muddo 10 sano ahayd oo ay dalka maamulayeen.