MADAXWEYNAHA JAMHURIYADA SOMALILAND MUDANE AHMED MOHAMED MOHAMOUD SIILAANYO AYAA LA FILAYAA IN UU DALKA LA IMANAYO ISKU SHAANDHAYN LAGU SAMAYNAYO GOLAHA XUKUMADA IYO RAGA LA FILAYO IN AY MEESHA KA BAXAYAAN.
WAXA LA FILAYAA IN UU MEESHA KA BAXAYO WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA OO AAD AY FARTU UGU GODAN TAHAY, WASIIRKA GANACSIGA IYO WERSHEDAHA,WASIIRKA GAASHAANDHIGA IYO DHAWR WASIIR OO KALE, MAALIN DHAWAYD OO UU SHIR JARAAID QABTAY WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA HADALADIISII WAXA KA MID AHAA:-
Anigu Xukumad ayaan kamid ahay, kitaab ayaan u maray Xukuumadda markaan xilka ka qabanaayay, kitaabkan marayna waxaa ugu horeeyay inaan daacad u ahay cida xilka ii dhiibtay, anigu Madaxweynahayga daacad ayaan u ahayn, igamana suurtowdo qol dhabarkii iyo gidaar dhabarkii wax aan xukuumadaydu wadin inaan wado, dalka intaan marayna lagama soo helaayo cid aan kala sheekaystay ururo in lafuro iyo in kale toona, maha in laysku khaldo maxaad aaminsanthay?, anigu waxaan aaminsanahay xukuumadda in taanan soo galina aan sidoo kale aamin sanaa horena laygu xidhay, in danta ummaddu ku jirto in ururada la furo, lakiin taas macnaheedu maha in xukuumadda aan ka tirsanahay oo wali mawqif gaara aan qaadan, inaan sameeyo talaabo hor dhaca oo ka hordhacaysa xukuumadda ama inaan xukuumadayda dhabarkeeda wiiiqo, waxay taasi noqanaysa inaan Munaafaq ahay, waxaan samayn karo oo toos u samayn karo inaan la dhuun dhuunto ma jirayso, markaa anigu wax aanay xukuumadaydu ku dhaqaaqin ma samayn karo, taasi baqdin maha lakiin damiirkayga ayaa isiinaya inaan noqdo qof laaaminikaro oo aamin ah. Cid kaleba iska daayo inaan anigu is aaminikaro inaan ahay qof damiir iyo imaan leh. Lana soo heli maayo qof aan arrimahaas kala hadlay intaan dalka maraayay ama kala sheekaystay waanad waraysan kartaan gobolladii aan soo maray.
Hadalkan uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ka bixiyay socdaalkiisi ayaa meesha ka saraaya hadal hayn badan oo gudaha iyo dibaddaba dadka rer Somaliland isla dhexmarayeen tasoo ahayd inuu Dr. Maxamed Cabdi Gaboose boodhka ka tumaayo ururkisii Sahan, haddi lafuro ururada, isla markaan uu kanbayn ugu jiro arrimahaas, sidoo kale saxaafadda iyo wargaysyada Somaliland qaybo kamid ah ayaa qoray, balse wuxuu hadda cadeeyay in aanu qaadan karin mawqif aanay qaadan Xukuumadda uu ka tirsanyahay.










